TOP DHAGEYSO WAREYSI U GAAR AH AGGM:- Xildhibaan Nuur Faarax ” Tagitaanka iyo Heshiiska Doolow Ee Axmed madoobe waa xaaraan”

0

Xildhibaan nuur faarax Jaamac Oo kamid Ah Mudanayaasha Baarlamanka somaliya ee ka soo jedda Gobolka Gedo ayaa Talaabo Khaldan ku tilmaamay heshiiskii Bur-buray Ee Doolow Ay Ku Gaareen Axmed madoobe iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo.

Nuur Faarax ayaa sheegay in Uu Axmed madoobe muquulin ka waday Kismaayo, Gobolka Gedanna ay masiirkiisa ka tashanayaan dadka Dagga deegaanadaasi.

Xildhibaanka ayaa wareysiga uu siiyay Shabakadda All-galgaduud.com Sidoo kale kaga Hadlay Hadal been abuur ah Oo Ay baahiyeen maleeshiyadda raaskanbooni kaasi oo sheegayay in axmed madoobe Uu Xilka ka qaaday gudoomiyaha gobolka gedo ee dowladda somaliya Maxamed Cabdi kaliil.

Xildhibaan nuur faarax jaamac
Xildhibaan nuur faarax jaamac

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay Dowladaha faraha kula jiran arintan iyo Urur goboleeedka IGAD Iney dhex dhexaad ka ahaadaan masiirka dadka dagga gobolka gedo.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAANKA UU SIIYAY SHABAKADDA AGGM.