TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi Ah Ka jeediyay Xafladii Maanta +Arimo kalana ka hadlay.

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo madaxda gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka waxtar u leh.

‘’Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taas oo qeyb ka ah baahinta xukunka. Saxiixa heshiiska maanta waxaa uu soo afjarayaa goobihii weli harsanaa ee aan weli maamulka lagu baahin. Waxaa maanta kadib inoo bilowdey fursad cusub oo ah inaan helno mas’uuliyiin aan kala xisaabtanno taako kasta oo dhulkeena ka mida ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay garab istaagi doonto maamullada ka jira dalka oo dhan.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii horey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay gashey marxalad cusub oo ka duwan tii hore, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay beesha caalamka, ciidammada AMISOM iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku taageeraya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

‘’Waxaan marka hore tacsi u dirayaa dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay dagaallada dalka looga sifeynayo cadowga. Mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa jira khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Waxaan dhowr jeer kala hadley, mar kastana aan ku adkeeyaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay iska dhowraan waxyeelo shacabka la gaarsiiyo. Waxay labadan dhinac kulan degdeg ah oo aan la qaatey iigu xaqiijiyeen inay u hoggaansami doonaan sharciga, isla markaana la dhowri doono shacabka, lagana fogaan doono in waxyeelo ay soo gaarto.’’

Munaaabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, diblomaasiyiin iyo madax kale.

HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADII MADAXWEYNAHA OO DHAMEYSTIRAN: