Horyaalka Kubada Cagta Ingiriiska Oo Maanta Furmaya.

0

Tartanka Horyaalka Ingiriiska Ayaa Maanta La filayaa inuu Furmo Kadib muddo Fasax Lagu Maqnaa.

Louis van Gaal ayaan dooneynin in xili ciyaareedkii labaad inuu guuldaro ku furto horyaalka marka ay maanta la ciyaarayaan kooxda Spurs.

Kulanka: Manchester United ? – ? Tottenham Hotspur

Garoonka: Old Trafford, Manchester

Garsooraha: J. Moss

Saacada:2:45 duhurnimo

Maalinta:Sabti

Taariiqda August 8, 2015

Van Gaal ayaa xaqiijiyay De Gea inuu ciyaareyn kulankan halka ay shaki ku jiraan safashadooda Bastian Schweinsteiger iyo Rojo.

Tottenham wacxaa shaki uga jira iney ciyaari karaan kulankan Roberto Soldado  iyo Andros Townsend .

Hordhac:

Guuldaradii Man United kaga soo gaartay Swansea City Old Trafford xagaagii hore ayaa aheyd markii ugu horeysay tan iyo 1972/73 Man United looga badiyo  gurigeeda kulanka furitaanka horyaalka.

Harry Kane ayaa 24 dhibcood ku siiyay kooxdiisa goolasha uu dhaliyay xagaagii hore taas oo ka badan xiddig waliba inta goolal uu dhaliyay ee kooxdiisa dhibco ay ku heshay.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay goolal badan toddobaadka ugu horeeya furitaanka horyaalka taas oo ka badan xiddigaha kale Premier league ee haatan ku sugan waana 6 gool.

Tottenham ayaa xagaagii hore aheyd kooxda heysatay xiddigaha 11-ka  safka hore ee ugu da’da yar horyaalka waxaana ay da’dooda aheyd 24 sano iyo 281 maalmood.

Manchester United  ayaa ah kooxda kaliya ee kulanka furitaanka horyaalka laga badiyay hadana ku guuleysatay koobka sanadihii 1992/93, 1995/96 iyo 2012/13).

Spurs ayaan marna ka badin Man United shantii kulan ugu dambeeyay,labo waa laga badiyay seddexna bar baro xili kulankii ugu dambeeyay Old Trafford ka dhacay March 3-0 looga badiyay Spurs.

23-kii kulan ugu dambeeyay Spurs ay booqotay Old Trafford 18 kamid ah waa laga badiyay tan iyo 1992/93 laakiin waxaa ay ku soo badiyeen halkaas labo kamid ah seddexdii xili ciyaareed ee la soo dhaafay.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 10 gool 15 kulan Premier league uu ka horyimid Spurs.

Memphis Depay  ayaa dhaliyay 7 bulisiyoon toos ah xagaagii hore taas oo ka badan inta ay dhaliyeen dhamaan xiddigaha kale ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu weyn Yurub ama horyaalka Holland xitaa .

Angel Di Maria oo ka tagay United ayaa xagaagii hore kaliya 7 kulan United u ciyaaray 90 daqiiqo horyaalka Premier league.

Louis van Gaal ayaa sanadkii hore ku dhameeysiiyay Man United booska afaraad iyagoo heysta 70 dhibcood waxaana ay seddex boos iyo lix dhibcood ka fiicnaayeen xagaagii ka horeeyay kii sanadkii hore.

Roonay ayaa u dhaliyay  170 gool Man United waxaa uu u baahan yahay hal gool si uu Denis Law ugula biiro xiddiga seddexaad ee kooxdan ugu goolasha badan.

Spurs  ayaa eegeysa in sanadkii seddexaad xiriir ah in ay guul  ku furato markii ugu horeysay taariiqda Premier league.

Tottenham ayaa ku dhameysatay xagaagii hore lixda koox ugu sareeya horyaalka waanacsanadkii lixaad xiriir ah oo ay sidaas sameynayaan.

Harry Kane ayaa 21-kii gool Premier league uu u dhaliyay Tottenham xagaagii hore ayaa ku bar bareeyay rikoorka goolasha ug badan hal xili ciyaareed kooxdaas ay ugu dhaliyeen Teddy Sheringham, Jurgen Klinsmann iyo Gareth Bale.