DHAGEYSO KHUDBAD: Xukuumada oo sharaxaad ka bixisay sababta doorasho Qof iyo Cod uga dhici karin dalka 2016-ka.

0

Iyadoo dhawaan Labada Gole ee Dowlada Soomaaliya go’aan si wada jir ah u soo saareen ku shaaciyeen in sanadka 2016-ka doorasho Qof iyo cod ah oo lagu balansanaa aysan dhici Karin.

Hadaba sababta keentay in Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in sanadka 2016-ka balanqaadkii laga sugayay ay ka dhabeynweyso,islamarkaana si rasmi ah ugu sheegto Shacabka Soomaaliya inaan doorasho Qof iyo cod la sugeyn waxaa sharxayo ra’iisal wasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Wuxuu sheegay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid in hada daruufaha jira oo ay ugu horeyso amaan xumida aysan ku habooneyn in doorasho xor iyo xalaal ah la galo.

Qaar ka mid ah dadka siyaasada Odorosa ayaa ku micneeyay qorshaha Dowlada in awalba uu ahaa Hami,islamarkaana daruufta haatan jira aysan suurta gelineyn Shacabka Soomaaliyeed rabitaankooda wax ku doortaan.

Arintaan markey soo shaac baxday waxaa durba soo yeeray dhaleeceyn iyo eedo loo jeedinayo Dowlada Xasan Sheikh,iyo iney dooneyso Mudo kororsi iyo dib u dhac doorasho.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowr jeer weydiinta su’aalo ku baday dhegahiisa ka Jawaabayay ayaa cadeeyay in Dowladiisa aysan damacsaneyn waqti kororsi.

Hoos ka dhageyso: