TOP DHAGEYSO:- Dagaallo Culus iyo Duqeymo ka Dhacay Gobollada Bay iyo Bakool.

0

Dagaallo culus  ayaa ka dhacay Wadada  u dhaxeeyo Madaa & Tiyeeglow oo ka tirsan Gobalka Bakool, dagaalladaas ayaa waxay u dhaxeeyaan ciidamada AMISON, kuwa dowladda Somalia oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Waxaa la sheegayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka dhasheen dagaalladan. Isgaarsiinta ayaa ka go’an aagfa uu ka socdo dagaalka, ciidmada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa socod ku maraya inta u dhaxeyso Gobolka Baay iyo Bakool, iyagoo ay la socdaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow, Foodcade ayaa AGGM u sheegey inay la wareegeen deegaanka Madaa iyo Deegaanno kale ee u dhow Tiyeeglow, wuxuu kaloo sheegay inay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ku sii siqeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay Al-shabaab ku sugan tahay.

Sidoo kale, Xalay ayaa waxaa la maqlayaa gantaallo ay ku Ridayaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ah deegaan u dhaxeeya Baydhabo iyo Burjeetka  oo u jirta 13-km, Waxaana laga Maqlayaa rasaas culus iyo duqeymo ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Helicopters-ka.

Diiyaaradahan ayaa mar walba  ka kaca garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee ka socda  dalka Itoobiya iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Mareykanka .

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa weli ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay, inkastoo ay ka baxeen Ufurow oo horay ay ula wareegeen ciidamadaas.

hoos ka dhageyso: