TOP DHAGEYSO WAREYSI:- dhinacyo badan leh oo gudiga Amniga Caabudwaaq ay kaga hadleen waxyaabo kala duwan.

0

Cabdinaasir Maxamuud Xasan (Cagawayne) oo ah Xoghaynta Gudiga Amniga Degmada Caabudwaaq oo la Hadlayay Shabakada Warbaahinta Allgalgaduud (AGGM) ayaa ka warbixiyay Howsha loo xil saaray Gudigaasi kadib markii dhawaan Golaha Dhaqanka iyo Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) ay u xil
saareen Sugida amniga iyo nabadgalyada deegaanka waxaa uu  ka warbixiyay halka ay u marayso howshaasi iyo waxa oga qabsoomay tan iyo markii la magacaaabay Gudigaasi waxaana uu yiri.

“ Deegaan keena amnigiisa oo xaalado badan soo maray Qabaa’ilaadkii ay is dileen ayaaa waxaa dhacay kacdoon umadeed kaasi oo dhaliyay in gudigaani uu samaysmo odayaasha Guurtida oo uu Ugaaska u horeeyo iyo bulshada ayaa noo dooratay howshaan waxaana aan bilaawnay hawshaan taasi oo maanta noo maraysa meel wacan”

cagaweyne
Cabdinaasir Maxamuud Xasan (Cagawayne)

Waxaa aan waydiiyay in uu nasiiyo xog ku saabsan Gudiga Amniga u xilsaaran ee shaqada wada inta uu yahay.

“ Gudigii ay kalsoonida siiyo Ugaaska iyo Oayaasha guurtidu waa uubalaaran yahay balse gudiga u xilsaaran shaqada Amniga deegaanka waa 15.ruux”

Waxaa aan waydiiyay sidoo kale Gudigaasi waxa ay shaqadiisu tahay iyo sida ay ku bilaabeen howshan ay hada hayaan iyo sida ay isula jaan qaadeen waxaana Xoghaynta oo ka jawaabayay su’aashaasi  uu yiri.

“Gudiga shaqasiisu waxaa ay tahay sugidda amniga iyo dhamaynta qilaafeedka ka dhexeeya bulshadaa marka shaqadeenii waan ku jirnaa bulshadiina waa ay isu timid oo waxaa ay aqbaleen in ay amankooda ka qayb qaataan oo ay wax ka sugaan, in ay hubka dhigaan iyo inay dantooda iyo maslaxadooda u soo istaagaan hadii uu Alle idmana waxaa hub ka dhigis ku samayn doonaa dadka qoryaha wtda waxaana qaadi doonaa howlgal kaasi oo soconaya ilaa inta aan ku sugayno amniga”

Hoos ka dhagayso Waraysiga xoghaynta Gudiga oo qaybo badan leh.

Wariye C/kariin Axmed Bulxan