DHAGEYSO+SAWIRO:- Munaasabad lagu daah furayay Mashruuc Caafimaadka Degmada ee hooyada iyo dhalaanka Oo Cabudwaq ka dhacday.

0

Maamulka Caafimaadka Gobolka Galgaduud iyo masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Degmada ee  DF ayaa maanta si wadajira waxaa ay u daah fureeen Mashruuc Caafimaadka Degmada ee hooyada iyo bulshada kale loogu tala galay in ay si wada jira ugu ah faa’iido.

Mashruucan  oo ah mid ay  Wsaarada  Caafimaadka  ugu talagashay bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa qayb ka qaatay Hay’ada UNFPA iyo hay’ada IMC oo ah mida mashruucan ka fulinaysa Degmada.

Munaasabad loogu tala galay in bulshada loogu wargaliyo furitaanka mashruucan oo maanta ka dhacday degmada ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday Maamulka degmada ee DF, Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Cafimaadka Degmada ahna Gudoomiye ku xigeenka Caafimaadka Gobolka Mahad Xasan Raage.

“Barnamijkaan aan maanta Furayno waxaa uu Guul u yahay Deegaanka iyo Bay’ada hada aan joogno Qaas ahaan Degmadaan Caabudwaaq markii aan shaqadaan bilownay ma jirin adeeg Caafimaad oo  shacabku ay u wada siman yihiin oo lacag la’aana awal waxaa jiray in dadku aysan wada awoodi Karin waxaana uu mashruucani guul u yahay hooyada iyo dhalaan keena”

C/fitaax Maxamed Cabdi oo ah madaxa Hay’ada IMC ee Fulinaysa Maashruucan iyo Xildhibaan  Bashiir Diiriye Shariif oo ka tirsan Mudanayaaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu Baaqay bulshada inay ka faa’iidaystaan Mashrrucan.

“ Mashuucaan waxaa keenay oo u fududeeyay bulshada deegaanka iy0o Degmadaan Wasaarada Caafimaadka DF iyo Hay’adaha UNFPA iyo Hay’ada IMC waxaana uu ahaa mid loo baahnaa oo aan mudo ay sugayeen dadka degmadaan anaguna aan daba soconay markii codsiga dwaynaha aan helnay”

C/laahi Basaawayne  oo kamdi ahaa Xubnihii u hadlay Bulshada ayaa soo dhaweeyay Mashuucaan waxaana uu sheegay qiimaha uuu leeyahay Dadka iyo deegaanka.

Ugu Dambay Madaxa Arimaha Bulshada e maamulka Degmada ee DF Qaliif Cabdi samad ayaa  sheegay in mashruucan uu dan u yahay deegaanka loona baahan yahay in laga qayb qaato habkii degmada ay u heli lahayd.

Hoos ka dhageyso warbixin:

Daawo sawirada:

DSCN4228
Xildhibaan Bashiir diiriye shariif

DSCN4174 DSCN4177 DSCN4180 DSCN4184 DSCN4187 DSCN4188   DSCN4195 DSCN4196 DSCN4197 DSCN4198  DSCN4200 DSCN4201 DSCN4202 DSCN4205 DSCN4208 DSCN4212  DSCN4218

 

C/kariin Axmed Bulxan