WARBIXIN:- SANADGUURADII AFARAAD EE KA SOO WAREEGTAY BOOQASHADII KOOWAAD EE ERDOGAN KU YIMID SOOMAALIYA.

0

​Afar sano ka hor guud ahaan xaalada Soomaalıya waxay aheyd mıd aad halıs u ah, waxaa wadanka ku dhiftay abaar tii ugu ba’neyd taas oo ay wehliyeen dagaalo qaraar oo ka socday magaalooyin badan oo wadanka ka mid ah, nabadgelyo daro guud iyo cuduro kuwaas oo nolosha dadka Soomaalıyeed geliyay ciriiri sababay rejo beel, dowlada Soomaaliya iyo shacabka ayaa qeylo dhaan u diray caalamka si looga soo gaaro nolosha malaayiintaas  Soomaaliyeed, nasııb daro lama helin jawaab suurto gelisa in la badbaadıyo nolosha dadkaas, taasina waxay sababtay quusatiin ıyo nıyad jab.

19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin baal dahab ah ka gashay taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxay ahayd maalintii uu dalkeena booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamınayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tıisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ıyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa, waa markii ugu horeysay mudo k abadan labaatan sano uu Soomaaliya booqasho ku yimaado mus’uul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sıdaas u balaaran, Madaxweyne Erdogan oo markaa ahaa Raisulwasaaraha dalka Turkiga ayaa markıı uu soo degay  toos u abaaray xerooyinkıı qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalıyeed oo ay wajıyadooda ka muuqatay dhibaatada haysata, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ıyo xaaskıısa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalıntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa ‘’Waxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaan’’ booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ın ay ku soo qulqulaan Soomaaliya.

BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN, ESI EMINE ERDOGAN VE BERABERINDEKILER SOMALI'NIN BASKENTI MOGADISU'DA WARDIKLEY KAMPINDAKI HASTA COCUKLARLA ILGILENDI. BASBAKAN ERDOGAN, COCUKLARIN KENTTEKI TURK HASTANESINE NAKLI KONUSUNDA SOMALI HUKUMETINDEN YARDIM ISTEDI (ANADOLU AJANSI - FIRAT YURDAKUL) (20110819)

Waxaa furmay wejı cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ıyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.

Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaaray ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa kuwo burbursan ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Waqtı dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkıı la gaaray  booqashadaas taariikhiga ah kadib, waxayse dadka Soomaaliyeed u noqotay mıd ayan hilmaami doonin ın si rasmi ah magaalada gudaheeda looga furay Safaaradii Turkiga taas oo noqoatay tiir adag oo door shariif ah ka ciyaara xiriirka saaxibtinimo iyo walaalnimo ee labada dad, in ay shaqo bilaabay Turkish airlines taas oo ilaa maanta ah duulimaadka kaliya ee  isku xira Soomaaliya iyo caalamka intıısa kale, waxaa deeq wabarasho helay kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah, la garab taagnaanta adeegyada aas aasiga ah ee bulshadu u bahan tahay iyo guud ahaan in weli walaalaha Turkigu ay barbar taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.