XOG: Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlunna Waljamaaca Iyo Maleeshiyaad Wahaabiyiin Ah Oo Maanta Ku Dagaalamay Waqooyiga Gobolka Galguud Iyo Wahaabiyiinti Oo La Jabshay…

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Xarunta Waqooyiga Gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta deegaano hoostaga magaalada Caabudwaaq dagaalo goos goos ah ay ku dhexmareen Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca iyo Maleeshiyaadka Wahaabiyada ee uu hogaamiyo Cabdikariin Xuseen Guulleed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta wafdi Saraakiil ka tirsan Culumaa’diinka Ahlusunna Waljamaaca oo kasoo ambabaxay magaalada Xeraale inay dagaal gaadmo ah ku qaadeen islamarkaana jidka u galeen Maleeshiyaadka Wahaabiyada oo ay hogaaminayeen Cirfo iyo Sulub Axmed Diiriye (Sulub Jinoole).

Dagaal mudo gaaban socday ka dib waxaa Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca u suuragashay inay baacsadaan Maleeshiyaadki Wahaabiyada ee ay Hogaaminayeen Cirfo iyo Sulub Jinoole.

Maleeshiyaadkan la baacsaday ee ay Hogaaminayeen Sulub Jinoole iyo Cirfo ayaa waxa ay afar nin oo rayid ah ku laayeen deeganao hoostaga magaalada Xeraale, taas oo sababtay in dadka deegaanka ay si aan kala har lahayn u garab istaagaan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca meel walbana looga baacsado Maleeshiyaadka Wahaabiyada ee ay Hogaaminayeen Sulub Jinoole iyo Cirfo.

Ex Xildhibaan Cabdi Sacdi ayaa waxa uu u diray maleeshiyaad gurmad ah si ay garab u siiyaan Maleeshiyaadka Wahaabiyada ee ay hogaaminayeen Sulub Jinoole iyo Cirfo ee weerarki gaadmada ahaa ee ay ku qaadeen Wafdiga Ahlusunna Waljamaaca looga adkaaday, Maleeshiyaadkan gurmadka ahaa ayaa waxaa jidka u galay ciidamo Taabacsan Ahlusunna Waljamaaca oo badan dadka Deegaanka.

Dhinaca kale Waxaa caawa isaga baxay magaalada Caabudwaaq Maxamed Xaashi oo ahaa ku xigeenka Cabdikariin Xuseen Guulleed ka dib markii uu maqlay in ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ee ka arimiya inta badan gobolka Galguduud ay la wareegeen deegaano wayahan dambe ay ka seexdeen sida Xanan Buure, Mareerguur iyo Bangeelle.

Isku soo wada duuboo Madaxda iyo Saraakiisha sare ee Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ka go’an habeen iyo maalinba dagaalada ay kula jiraan Wahabiyada noocay doonaanba ha noqdeen’e, balse waxaad moodaa in waayahan dambe ay Madaxda iyo Saraakiisha Sare ee Ahlusunna seexdeen oo ay xeerinayeen waxbdan oo lala garan waayay hadase qasab ay ku tahay inay wax ka qabtaan sida in Wahaabiyada soo labistay Shaararka Qabiil iyo Kuwa waxa loogu yeero Maamuladda.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media