LIVE DHAGEYSO WAREYSI:- Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo kusii durkaya magalada Baandheera iyo Al-Shabab oo weli ku sugan.

0

Ciidamo iskugu jira kuwa DFS Iyo AMISOM ayaa wali kusii durkaya magalada Baardheere oo ka tirsan Gobalka Gedo, halkaasoo ay wali gacanta ku hayaan dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabab.

Cismaan Shiikh Cabdi Qodax oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidanka Baardheere ku wajahan ayaa VOA u sheegay inay qorshahoodu yahay inay magalada gacanta kaga dhigaan kooxdaasi, waxa uu sheegay in magalada markii hore u jireen 120-KM balse ay hada u jiraan 60-KM iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay dib uga soo laabteen magaladaasi.

Wararka laga helayo Baardheere ayaa sheegaya Qoysas faro badan inay bilaabeen maalmihii lasoo dhaafay barakac xoogan ka dib markii dhowaan halkaasi lagu dilay dagaal yahano ka tirsan AL-Shabab oo duqayn cirka ah lala beegsaday.

Xiisada ka taagan Baardheere ayaa sababi karta inay saamayn ku yeelato dadka degan magalada, maadama ciidamadan ka socda DFS iyo Itoobiya oo AMISOM ka tirsan ay kusoo dhowaanayaan gudaha magaladaasi.

Sarkaalkan la yiraahdo Cismaan Qodax oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay mudo gaaban kusoo gaba-gabayn doonaan howlgalka ay wadaan, ciidankan ayaa Baardheere ka jooga dhowr jiho, kuwaasoo ah ciidamada iska war haya sida uu Qodax sheegay.

HOOS KA DHAGEYSO: