Fariin:Cabdikariin Xuseen Guulleed Qofkii Mareexaan Ah Oo Taageerayoow Maxaad Ku Diideysaa Axmed Madoobe?

0

Waxaan aad iyo aad ulla yaabay dadkan aan ka dhashay ee SADE, ma waysan lahayn Caaqil Iyo Aqoonyahan maskax iyo aragti fog leh oo garan kara dagaalka ku socda Beesha?

Su’aashaas ayaa waxa ay maankeyga kusoo dhacday kolkaan arkay dad ka mid ah Beesha Sade oo xadreenaya ama taageeraya Cabdikariin Xuuseen Guulleed, markaa ayaan isweydiiyay oo aan iri Awoowgood la gubka haddiiba ay cid taageerayaan Cabdikariin Xuseen Guulleed meey taageeraan Axmed Madoobe isagaa dhaliyo Xigee? saa xaqiiqdu waxay tahay Cabdikariin Guulleed iyo Axmed Madoobe shaqsiyan aniga waxba iiguma kala duwana, sababtoo ah waa saxiibo labadubana waa cadowga koowaad ee Beesha Sade, waana Ragga kula dagaalamay magaalada Kismaayo Beesha Sade. haddaba Maxay noogu kala duwan yihiin ama aan ku kala jeclaan karnaa labadaas nin? anigu waa waxba ayaan qabaa balse dadka qaar siday jecel yihiin aan ugu sharxo.

Musiibo iyo Ihaano weeye qofka nool ee damiirka leh inuu garan waayo Cadow inuu yahay Cadow, haddii la soo kala dhoweysanayana inay haboon tahay in aad usoo kala dhoweysato siduu kuu kala xigo.

Axmed Madoobe

Waa cadow Sokeeye ah oo caadeeystay cadaawadiisa, waan Wahaabi ay jiraan kuwo badanoo sokeeye ah kana xun Axmed Madoobe cadowna ku ah Beesha Sade, balse la arko uun markii uu R/wasaare noqdo nin kasoo Jeeda Beesha Sade inta kalena hoosta ka guuxa.

Sharaxaad dheer umma baahna Axmed Madoobe ninkuu yahay iyo waxa isaga iyo beeshiisa nagu dhexmaray magaalada Kismaayo sadexdii sano ee la soo dhaafay, waa qoran tahay waana diiwaan gashan tahay.

Axmed Madoobe waqti ay qaadataba ama waqti ay noqotaba gacantayada ayuu soo galayaa isaga iyo kuwo badanoo dhiig sokeeye qaba, waxaana lagula xaaltamayaa xeerka iyo dhaqan Soomaalida oo waan hubaa wax wal wal ah oo weyn kama qabo taas.

Cabdikariin Xuseen Guulleed

Waa Shisheeye markii loo eego magaca beelaha iyo siday isu xigaan ama isu racaan, Waa Cadow, Waa Cadwo Kalkaale Beesha Sade 24 saac duulaan iyo qiyaamo u maleegaya, Waana Wahaabi Damujadiid ah.

Sharaxaad dheer umma baahna Cabdikariin Xuseen Guulleed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay geysteen iyo dagaalka qaawan ee ay ku qaadeen ilaa mantana ay ku hayaan beesha Sade ee meel walbaa oo ay joogto.

Cabdikariin Xuseen Guulleed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay si bareer ah ulla safteen Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa Raaskambooni, iyagaana dhamaan isu soo dhawaasho iyo Dib u heshiisiinta Beelaha Jubbooyinka diiday islamarkaana ku dhiirigaliyay Axmed Madoobe waxa uu ka geystay ama ka geysan doono Jubbooyinka.

Waxay 24-ka saac u heelan yihiin dagaal ka dhan ah Beesha Sade meel walbaa oo ay joogaan dunidana waxaa ka go’an haddii ay helayaan inay dhibaateeyaan mid nool iyo mid dhintayba.

Haddaba ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa? Seebay ku dhacday inay qaar ka mid ah beesha Sade taageeraan Maamul uu Cabdikariin Xuseen Guulleed sheeganayo inuu ka yahay Madaxweyne? Ma Sade Damiir iyo Danqasho ayaysan lahayn, Ma Dhiigoodaa Yaanyo ka sameysan, Ma Waanan Ahayn Dad Jira? ma weeysanse lahayn Caaqil Iyo Aqoonyahan maskax iyo aragti fog leh oo garan kara dagaalka Cabdikariin Guulleed iyo Xasan Sheekh?

Maxaan ku taageernaa Cabdikariin Xuseen Guulleed maanta isagoo sheeganaya Madaxweyne aynaan dooran? ileen waa dagaal oogihi dagaalka ba’an naga dhexeeyay’e, waa ninkii durbaanka u tumayay shacabka Beesha Sade ee Waamo markii la dooxayay, Waa dambiilihi go’adoomiyay gobolka Gedo, waa ninkii Aqoonsiga siiyay si uu usii huriyo khilaafka dhaqanka beesha Sade, Ma waanan dadkeenu damiir lahayn, oo aysan kala garanayn Cadowgooda iyo Saaxiibkood? kuwase maanta u tumaya durbaanka Cabdikariin Xuseen Guulleed shalayse intaas oo dambi ah markuu ka galayay Beesha Sade xageey jireen? Masaajidka Ciyaarta Halaga Daayo Jaalleyaal, hadaadse taageereysaan Cabdikariin Xuseen Guulleed Maxaa idiin diidaya inaad taageertaan Axmed Madoobe?

Ugu dambeyn iyo gunaanadka qormadeyda Doqon, Damiir laawe iyo nin dano kale leh uunbaa garan karin ninkuu yahay Cabdikariin Xuseen Guulleed, balse nin ragga og ninkeey isgaleen maalin, Cabdikariin Xuseen Guulleedna waxuu ka geystay Jubbooyinka Galguduud ayaa looga jarayaa, (QAAN MAREEXAAN WAA QAAXO KUGU MAQAN, HADAADAN U QOWLMINA TOLKAA BAA U QOWLAN), Dagaalka ka dhanka ah Cabdikariin Xuseen Guulleed iyo Xasan Sheekh Maxamuud beesha Sade waa u xalaal intuu doonana ha qaato marnabana joogsan uu maayo, kuwa Cabdikariin Xuseen Guulleed taageerayana waxaan leenahay waanu idin xoreynaynaa HADUU ALLE IDMO

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg