TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Dacwada Badda ee Kenya laga gudbiyay la horgeyn doono maxkamada Hague

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeessheen Magaalada Muqdisho oo uu shir Guddoominayay R’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda  Somaaliyaay la wadaagto Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Golaha wasiiradda ay isku racaeen in 13-ka Bishan July Dowladda Soomaaliya ay u gudbiso dacwad ka dhan ah muranka xuduud badeedka Soomaaliya Kenya ay la wadaagto Maxkamadda Cadaaladda QM, dukumiintiyada cadeynaya lahaanshaha dhulka Kenya ay dooneyso inay la wareegto,oo qeyb ka ah badda Somaaliya wuxuuna sheegay in Bisha March ee sanadka 2016’ka ay sirasmi ah u billaabi doonto Dacwada ku saabsan Xuduuda badda  labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo  qorsheysan.