XOG:Wararka Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Magaalada Cadaado.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay isaga haluulayaan dhamaan dadkii halkaas u tagay danaha kala duwan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa dhamaan dadkii ka tagay deegaanada gobolada dhexe ay deegaanadoodi u ambabaxeen, halka kuwii ka tagay magaalada Muqdisho-na ay isku dilayaan diyaaradaa inay noqdaan cida ugu horeysaa ee raacdo.

Waxaa maanta aad mashquul u ahaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado, halkaas oo ay buux dhaafiyeen dadka markii horeba ka yimi magaalada Muqdisho oo isku dilaya inuu mid walbaa isagu noqdo kan ugu horeeya ee aada maagalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale iyo wafdigiisi ka yimid koonfurta Gaalkacyo ayaa shalay galinki dambe isaga tagay magaalada Cadaado iyagoo dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdulaahi Cali Maxamed Kediye ayaa isagana usoo ambabaxay magaalada Muqdisho oo uu uga sii gudbi doono dalka Ingiriiska.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa shalay galinki dambe waxa ay ku wargaliyeen Maamulka Ximin iyo Xeeb inay isaga baxayaan magaalada,maaulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa ay ka codsatay inta ay ka baxayaan dadka ku sugan magaalada inay sii joogaan ugu badnaan laba maalmood.

Dhinaca kale dibadbax shalay la doonayay in uu ka dhaco magaalada Cadaado oo lagu taageerayay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa dadki waday lagu wargaliyay inaysan ku sameen karin gudaha magaalada Cadaado oo ay la aadaan halkii kale ee ay doonayaan.

Isku soo wada duuboo waxaa durba soo ifbaxaya Cabdikariin Xuseen Guulleed inuusan haysan Xafiis iyo deegaan uu maamulo, balse Madaxweynenimadiisu ay ku kooban tahay warqado uu ku sito Boorsadiisa lana wareego Xafiisyada NGO-yada Magaalada Muqdisho.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media