XOG+Top News: Goormaa Mooshinka Xasan Sheekh La Horgeenayaa Baarlamaanka, Imisa Xildhibaan?

0

Wararka naga soo gaaraya Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho aya waxa ay sheegayaan in mooshinka xilka looga qaadi lahaa madaxweyne Xasan Sheekh la horgeyn doono baarlamanka Soomaaliya kadib ciidul fitriga.

Xildhibaanada wada mooshinka ayaa doonaya in maalmaha yar ee ka harsan ciidda ay ku helaan codadka loo baahan yahay si xilka looga qaado madaxweynaha, kuwaasi oo ah 184 xildhibaan codadkooda.

Waxaa illaa iyo hadda mooshinka saxiixay 171 xildhibaan, inkasta oo 90 kaliya ay horgeyn karaan baarlamanka.

“Waxaa go’aankeenu yahay in mooshinkaas uusan dib usoo laaban, waxaana xaqiijineynaa codadka loo baahan yahay, si Xasan Sheekh looga horwareejiyo umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah kuwa mooshinka wada.

Madaxweynaha ayaa wada iminka dadaallo xooggan oo uu kaga hortagayo mooshinka, balse waxaa yar xildhibaanada taageersan, sida ay wararka sheegayaan.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media