Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado oo shalay ay ka dhacday doorashada Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharixiintii tartanka lagaga guuleystay ay dib uga soo ceshteen lacago ay siiyeen Xildhibaanno Baarlamaankii codeynayey ka tirsanaa.
Mid ka mid ah Xildhibaanada lacagaha laga soo ceshtay, wuxuu sheegay in habeenimadii doorashadu ay beri oo kale dhaceysay, in musharixiinta qaar ka mid ah ay bixinayeen lacag u dhaceysa $10,000 ilaa $15,000, iyaga oo ka dalbanayey in Xildhibaanadu codadkooda siiyaan.
“Xildhibaanada lacagta laga soo ceshtay waxaa ka mid ah Axmed Ciyow Mooge & 6 ka mid ah Xildhibaanada beesha Saruur, musharixiinta soo ceshtayna ilaa saddex ayeey ahaayeen” Ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo magaciisa ka gaabsaday, wuxuuna intaa ku daray in qaar ka mid ah Xildhibaanada handadaad looga qaatay lacagta.
“In Xildhibaan lacag la siiyey uu wax ku doorto ayaa markii horeba xaaraan aheyd, waana dhaqan intii muddo aheydba soo jiitamayey; nin careysan oo laga guuleystayna wuxuu doonoo sameynayaa, Xildhibaankii isna iimaanka la’ ee ku yiraa musharax kasta: lacag isii codeykagana adigaa iska leh: isna wax la jiido waa yahay” Ayuu yiri Xildhibaanku.