Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada bareykan ee makka Al-mukarrama ee Borqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay xoghayaha guud ee ururka isku xirka caalamka islaamka Dr C/laahi Cabdi Al-muxsin Al-turki.
Shariif Xasan madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ugu waramay xoghayaha guud ee ururk isku xirka caalamka islaamka horumarada ka jira Jamhuuriyada Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa waxa uu ugu mahad celiyay boqortooyada Sacuudiga Carabiya mashaariicda horumarineed iyo tan bini’aadanimada ay ka fulineyso gobolada Soomaaliya oo idil.