TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay nooca ay noqonayaan Golaha uu Wasiirada oo Soo dhisayo

0

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si cad kaga hadlay qaabka ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee laga sugayo inuu soo dhiso.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Golahiisa Wasiirada ay ka qeyb gali doonaan dhamaan Bulshada degta gobolada Mudug iyo Galgaduud,islamarkaan ay iska dhex arki doonaan siyaasiyiinya ka qeyb gashay tartankii doorashada isaga madaxweynenimada ugu soo baxay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Shacabka Mudug iyo Galgaduud ugu maan qaboojiyay in si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dib u soo celinta nabada iyo hanaan siyaasadeed oo Shacabka si degan ugu wada noolaadaan.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa looga fadhiyaa dhismaha Gole Wasiiro oo loo dhan ahay.