War Deg Deg Ah: Laba musharax oo u soo gudbay wareegga Sadexaad.

0

Guddiga doorashad Madaxtinimada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa iminka tiriyay codadka musharax waliba, waxaana ay sheegi doonaan inta uu helay musharax waliba.

Guddiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Axmed Macalin Fiqii uu helay 39 cod, halka Cabdikariin Xuseen Guuleed uu isna helay 42, kuwaasi oo u gudbaya wareegga sadexaad.

Musharaxa kale ee ka haray wareega sadexaad ayaa ah Axmed Cabdisalaan Xaaji, kadib markuu helay codka 15.

Waxaana wareega sadexaad u gudbay Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media