War Deg Deg Ah: Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca Oo La Wareegay Magaalada Caabudwaaq.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan gacan ku haynta Magaaladaas ay la wareegeen Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in barqadi maanta ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Caabudwaaq Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ku hubeysan gaadii dagaal oo fara badan iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa markii ay gudaha usoo galeena magaalada waxa si aad a usoo dhaweenayay odayaasha dhaqanka iyo dadka magaalada Caabudwaaq, waxa ayna fariisimo muhiim ah ka sameysteen xarumaha ugu muhiimsan magaalada, halka Ciidamo kale oo fara badana ay gaaf wareegayaan gudaha iyo daafaha magaalada Caabudwaaq.

Saraakiisha Hogaaminaya Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa Waxa ay dadka Magaalada ku soo rogeen AMARO ay ka mid yihiin in aan gudaha magaalada lagu dhex arki karin qof ubeysan oo wata qori ama bastoolad iwm.

Isku soo wada duuboo Ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay aad usoo dhaweeyeen La wareegida magaalada Caabaduwaaq ee Ciidamada Ahlusunna Walajaamaca oo si aad ah ay uga dhex muuqdaan Culumaa’udiin iyo Saraakiil sare oo caan ka ah deegaanada Galguduud oo kasoo jeeda magaalada Caabudwaaq.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media