War Deg Deg Ah+ Akhriso: Wareega Koowaad Iyo Sida Codadka Ay U Heleen Musharixiinta Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug. Iyo Wareegi 2aad.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Cadaado oo ay hadda kusoo gabagaboowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ku Guuleeystay Cabdikariin Xuuseen Guuleed, islamarkaana lagu galay doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas.

Wararka ayaa intaas waxa uu ku darayaa in musharixiinta doorashada madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, ay sidan soo socoto u kala heleen codadka Xildhibaanada Maamulka.

Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne), waxa uu helay codka 20 Xildhibaan

Cabdullaahi Bashiir Cabdinuur (Ducaale), waxa uu helay codka 11 Xildhibaan

Xasan Maxamed Warsame (Xasan Gureey) waxa uu helay codka 12 Xildhibaan

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) waxa uu helay codka 23 Xildhibaan

Cabdullaahi Xaashi Warsame (Waranle), waxa uu helay codka 1 Xildhibaan

Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame (Cabdiladiif) waxa uu helay codka 11 Xildhibaan

 

Musharixiinta Wareega labaad ee doorashada usoo gudbay ayaa kala ah.

 

Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne)

Xasan Maxamed Warsame (Xasan Gureey)

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media