Deg Deg:-Ajaanib lagu Weeraray Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

0

Koox Hubeeysan ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ku Weeraray Ajaanib ku sugneeyd halkaasi,waxaana Iska hor imaad kooban uu dhexmaray Dableeydii Weerarka qaaday iyo Ilaalada la socotay Ajaaniibta.

Ajaanibta oo Tiradooda lagu sheegay Shan Ruux ayaa la sheegay in ay u dhasheen Dalka Turkiga kuwaas oo u shaqeynayay Shirkad ka shaqeeysa dhinaca Dhismaha.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada C.casiis ayaa sheegay in aysan wax Khasaaro ah soo gaarin Saraakiisha Turkiga ah ee Weerarka lagu qaaday,waxaana uu Xusay in mid kamid ah Ilaaladooda uu dhaawac ka soo gaaray Weerarka.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Kooxda Weerarka soo qaaday ay la socdeen Gaari Caasi ah islamarkaana lagu raad joogo.

Dowladda Dalka Turkiga ayaa qeybo kamid ah Soomaaliya waxaa ay ka wadaa Mashaariic kala duwan tan iyo Sanadkii 2011 oo ay bilowday in ay Soomaaliya Caawiso.