Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanayo Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxana lagu wadaa in ay go’aamiyaan xilliga loo coddeynayo guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Ajendaha Barlamaanka ee maanta uu yahay in xildhibaanada loo qaybiyo taariikhda xubnaha ka midka ah Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horay loogu soo gudbiyay xubnaha ka mid ka ah labada Guddiga ee madaxa bannaan oo kala ah guddiga Doorashooyinka iyo guddiga Xuduudaha oo uu horay u Soo Gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa “ iyada oo maanta xildhibaanada loo qaybi doono nuqullo kamid ah taariikh nololeedka Xubnaha Guddiyada.