Top News. Qaramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogtay Saraakiil ka tirsan Koofurta Sudan

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Saraakiil sar sare oo u dhalatay Koofurta Sudan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka ka socda dalkaas.

Saraakiishan oo ah illaa lix Jeneraalo ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraado dhinaca socdaalka iyo dhaqaalaha, waxaana la sheegay inay ka kala tirsan yihiin labada dhinac ee isku haya awooda dalka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Koofurta Sudan ay tacadiyo u geysteen haween iyo gabdho yar yar, kuwaasoo inta la kufsaday nolosha lagu gubay, waxaana falkan uu ka dhacay Gobolka saliida qaniga ku ah ee Unity State.

Saraakiisha cunaqabateynta lagu soo rogay waxaa ka mid ah Abaanduulaha Ciidamada Ilaalada u ah Madaxweyne Salva Kiir iyo labo Jeneraale kale oo hogaaminaya Ciidamada ku sugan Gobolka Unity.

Waxaa kaloo iyana cunaqabateyn lagu soo rogay saddex Jeneraalo oo aad ugu dhow Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Samantha Power ayay ku sheegtay in dhammaan dhinacyada mas’uulka ka ah gabood-fallada ka dhacay Koofurta Sudan ay tahay in lala xisaabtamo.

Colaada ka taagan Sudan ayaa waxaa ku barakacay illaa labo milyan oo ruux, labadii sano ee dalkaas qalalaasaha iyo xiisada dagaal ka jirtay.