War ka Soo baxay Wasaarada arimaha dibada dalka Mareynkanka ayaa lagu amaanay sida ay u socdaan howlaha dhismaha maamulka goboleedyada dalka Soomaaliya iyo waliba sida Soomaaliya ugu bisishahay dib u soo celinta hanaankii democratiyada Soomaaliya.
Xoghaha arimaha dibada dalka Mareynkanka ayaa Yiri” Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo xoghayihii ugu horeeyay ee ka socda Mareynkanka ee yimaada Soomaaliya bishii May,waxaana fursad u helay inaan la kulmo madaxda Somalia sida madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha,markii dhageystay Hadaladooda waxaa ii soo baxday sida Soomaaliya hormar wanaagsan ugu gaareyso dib u soo celinta demoqraadiyada.
Sidoo kale,Xoghayaha oo hadalkiisa sii wada ayaa carabka kuadkeeyay inay taageersan yihiin sidau socdaan dhismaha maamulka goboleedyada dalka,isagoo cadeeyay in Mareynkanka garab taagan yahay Shacabka iyo xukuumada Soomaaliya.
Warkaan ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ayaa ku soo aadaya xilli xukuumada Washintong Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 55-sano guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaateen Gobolada Koonfureed Soomaaliya iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Ugu danbeyntii,Warsaxaafadeedka ayaa laguyiri,waxaana u rajeynayay Shacabka Soomaaliyeed in sanadkaan sanadkiis ay kugaaraan bash bash iyo barwaaqo.