Mareykanka ayaa ka dalbaday mas’uuliyiinta Swiss inay u soo gacan geliyaan 7 ka mid ah saraakiishii hore ee FIFA ee la xiray May, taasi oo qeyb ka ah eedaha musuqmaasuq ee guddiga kubadda cagta adduunka.
Wasaaradda cadaaladda ee Swiss ayaa sheegtay in boolisku ay saraakiisha ka dhageysanayaan codsiga gacan gelinta kaddibna ay haystaan 14 maalmood ay ku jawaabaan.
Saraakiisha ayaa loo xiray inay aqbaleen oo ay bixiyeen malaayiin doolar oo laaluush ah. Xubnaha la xiray ayaa waxaa ka mid ah madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta Waqooyiga iyo Bartamaha Ameerika iyo Caribbean-ka.