Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho,,Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isaga baxay deegaanda Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha hoose halkaasi oo ay in mudo ah Fariisin u ahayd.
Wararkka ayaa sheegaya in ciidamada is garabsanaya ay isaga soo baxeay saakay aroortii hore,dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in ciidamada guud ahaan ay ka baxeen deegaanka Awdhiigle.
Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose wali kama hadlin Sababata Ciidamada AMISOM ay iskaga baxeen Degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dhinaca kale,Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaa isaga baxay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose,waxaana degmadaasi kaabiya ku haya dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada AMISOM inta badan isaga baxeen magaalada,islamarkaana isugu soo uruureen
Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ayaa horay uga baxay Degaanada Leego iyo Tooratooroow ee Gobolka Shabellaha Hoose.