Top News: Askari ka tirsan ciidamada Dowlada oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan suuqaasi ay ku dileen Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarigaan la dilay ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku mashquulsanaa qaadista canshuuraha Suuqaasi.

Kooxaha dilka ka geystay Suuqa Bakaaraha oo Bistoolado ku hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii ay dileen Askarigaasi.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata gaadiid hubaysan ayaa soo gaaray goobta lagu dilay Askarigaasi, waxaana ay meesha ka qaadeen meydka Askarigaasi.

Beegsiga Askarta Dowladda ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo bil cibaado ah.

Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay beegsanayaan ciidamada Dowladda iyo shaqaalaha u shaqeeya Dowladda intaba, waxaana ka jirta Magaalada Muqdisho cabsi xoogan oo ku aadan dilalka Askarta iyo shaqaalaha Dowladda u shaqeeya.