Ka dib markii 2-dii bishaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay bilaa dagaal kula wareegen Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayay saqdii dhexe ee xalay isaga guureen.
Tallaabada ay kaga baxeen Deegaanka Toora Toorow, ayaa waxay ka dambeysay markii Shabaabku ay soo buuxiyeen laba ka mid ah wadooyinka gala Deegaankaasi, waxayna taasi baqdin ku keentay Ciidamada Huwanta.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxaa u furneyd oo keliya wadada aadda Deegaanka Muuri, oo dhacda duleedka Degmada Afgooye, iyagoona ka faa’iideystay ka hor inta aan laga go’doomin.
Ciidamadan, ayaa waxay gaareen Deegaanka Awdheegle, oo markii horeba ay ka qaadeen gulufkii militari, ay kula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Toora Toorow.
Ilo madax bannnaan, ayaa Dhacdo.com u sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom inay Deegaanka Toora Toorow ka soo raaceen Odayaal Dhaqameedyo Deegaanka ah, kuwaa oo baqdin ka muujiyay inay Shabaabku dilaan, kolka ay dib ugu soo laabtaan Toora Toorow.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), oo muddooyinkan dambe ku sugnaa Toora Toorow, ayaa la socday Ciidamada Huwanta.
Wixii ka dambeeyay Jimcihii, ayaa waxa uu Amisom uu culeys ka soo fuulay Ururka Al Shabaab, iyadoo ay Jimcihii dileen 70 ka mid ah Ciidanka Burundi ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.