Top News: Falaagada Al Shabaab Oo Toogtay Saddex Nin Oo Ay Basaasnimo ku eedeeyeen.

0

Gelinkii dambe ee shalay, ayaa waxay Ururka Al Shabaab ay xukun qisaas ihi ay ku fuliyeen saddex nin, oo sida ay sheegeen ahaa basaasiin, isla-markaana ay Maxkamadi ku xukuntay dil.

Boqolaal ka mid ah bulshada ku nool Degmadaasi, ayaa isugu soo baxay Fagaaraha uu xukunku ka dhacay, ka dib gaadiid cod baahiye-yaal lagu soo xiray, oo dadka ugu yeeray inay Fagaarahaasi isugu yimaadaan.

Qaadiga Maxkamadda Degmada Saakow, ayaa waxa uu Fagaaraha ka sheegay in raggaasi ay qirteen falalka lagu soo qabtay, isla-markaana ay Maxkamaddu ku riday xukun dil ah.

Qaadiga, ayaa waxa uu raggaasi ku eedeeyay inay u shaqaynayen CIA-da Mareykanka, ayna suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan Ciidanka Ururka Al Shabaab, sidaana lagu horkeenay Maxkamadda.

Magacyada ragga la qisaasay:-

Maxamed Aadan Cismaan

Maxamed Aadan Shuuriye

Mukhtaar Sheekh C/axmaan Sheekh Maxamed

Qaadiga, ayaa Fagaaraha ka sheegay saddexdaasi nin inay ahaayen kuwo isku xiran, oo si dhow ula shaqaynaayay CIA-da, iyagoo markaasi gudbin jiray macluumaadka Shabaabka, sida uu yiri.

Shabaabka, ayaa xukuno qisaas ah ka fuliya Degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, mana soo bandhigaan cadaymo la xiriira dadka la toogto, marka laga soo taggo inay yiraahdaan oraahda ay caanka ku yihiin, ee ah “Isagaa qirtay”.