Hambalyo Cali Gacal Casir oo maanta Cadaado loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Wuxuu ka guuleystay Cabdullaahi Maalin Gaafow, oo isagana aan u hambalyeynayo dadaalka uu muujiyay iyo in uu meesha keenay tartan aan wax la isula harin. Gaafow sababta kale oo aan ugu hambalyeynayo waxaan soo maray xanuunka guuldarrada doorashada.
Waa sir aan qarsooneyn in murashixiinta Madaxweyne ee Gobollada Dhexe iyo dadka geed fadhiga u ahi ay la kala safnaayeen Casir iyo Gaafow.
Waa dhab in doorashada Cali Gacal Casir ay dharbaaxo siyaasadeed ku tahay murashaxa Madaxweyne ee ugu tunka weyn inta Gaafow taageertay. Iyo murashaxaas inta xulafada la ah ee Cadaado iyo Muqdisho fadhiya oo qaarkood ay aad u miisaan culus yihiin. Waana laga yaabaa in ay dharbaaxadaas ka soo waaqsan waayaan, inkasta oo aan dharbaaxo keliya loo dhiman.
Laakiin macnaheedu ma ahan in taratanku uu dhammaaday ama natiijada aan maanta aragnay ay tilmaan sugan u tahay waxa soo socda.
Dadka qaar waxay u haystaan in maaddaama guushu ay raacday Cali Gacal Casir ay tahay in doorashada Madaxaweynaha uu ku guuleysan doono Axmed oo isaga taageeray.
Waa laga yaabaa in ay sidaas u dhacdo, laakiin haddana ma jirto wax diiddan in aan cagsigeeda aragno.
Xisaab iyo Siyaasad Xisaabta marka laba lagu daro laba waa afar, sababta oo ah waa cilmi ku saleysan xaqiiqada iyo run.
Laakiin siyaasadda, siiba tan Soomaaliya, marka laba lagu daro laba, in la qiyaaso ma ahane ma jiro qof si hubanti ah u sheegi kara natiijadu waxay noqoneyso.
Waayo waxaa lagu sii darayaa ama laga jarayaa, lagu dhufanayaa ama loo qeybinayaa waxyaabo badan oo aan la cabbiri karin, oo qaarkood yihiin ilu-ma-qabato.
Waxay ku xiran tahay Allah ka cabsiga, daacadnimada, awoodda iyo sharci dhowridda shakhsiyaadka shaxda dhigtay.
Dadka qaar waxay adeegsadaan ballanqaad been ah, mid run ah laakiin sharci darro ah, khiyaamo, laaluush iyo wax kasta oo laga dhowrsado iyo xataa xarig ama dil haddii ay ku kallifto. Waxaa kale oo farsamooyinka ka mid ah isku dir iyo in been laga faafiyo murashax kale.
Dadka qaarna ayaga oo si sharci ah u dhaqmaya ayay laba laabaan dadaalkooda ololaha.
Intaas oo dhan waxaa dheer ajnebi iyo Soomaali aan doorashadu toos u khuseyn laakiin ay saameyn ku yeelan karto oo meesha ka adeeganaya.
Kenya 2004
Waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u tartamay Shariif Xasan Shiikh Adan iyo Shiikh Adan Madoobe. Murashax Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu taageersanaa Adan Madoobe.
Madaxweyne Cabdiqaasim oo qudhiisu ahaa murashax iyo murashaxiin kale oo badan way ka soo horjeedeen Shiikh Adan Madoobe oo waxay dhisayeen Shariif Xasan oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Nin aan telefoonka kula hadlay oo safaarad muhiim ah ka tirsanaa wuxuu habeenkaas ii sheegay in Madaxweyne laga sugayo dhinaca ku guuleystay Baarlamaanka.
Markii la isugu yimid garoonka Kasarani oo aan goobjoog ka ahaa, waxaa dhacday sidii ay dadka qaar filayeen cagsigeeda.
Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo isaga murashixiisii Baarlamaanka hore looga guuleystay, ayaa soo laba kacleeyay oo ku guuleystay Madaxweyne.
Marka tartanku weli wuu furan yahay oo Cadaado fari kama qodna.
WD: Yuusuf Garaad