Wasiir Odawaa “Waa Guuleystay Qorshihii Gobolada Dhexe”+Dhageyso

0

Shalay waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ee gobolada dhexe  ay doorteen Guddoomyaha Baarlamanka ee maamulkaas.

Waxaa Guddoomiyaha baarlamaanka loo doortay Cali Cumar Casir, waxana Sidoo kale la doortay labo Ku xigeen.

Dad badan ayaa u arka in inkastoo mudadu ay dheereyd caqbado bandanna ay jireen, uu guuleystay qorshihii dowladda ee maamul u sameynta gobolada dhexe.

Howshaasi waxaa tan iyo bilowgeedii ku lug lahaa oo kaalin weyn ka soo qaatay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka Cabdiraxman Xuseen Odowaa.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu guuleystay Qorshihii G/Dhexe isla markaana ay hada howsha tahay mid gabagabo ah.