TOP NEWS:- Wasiirka Arimaha Gudaha oo looga yeeray Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa looga yeeray Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa si Xildhibaanada ay su’aalo u weydiiyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta su’aalaha ay ku weydiiyeen Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka dalka, ayaa gaba-gabadiisa, wuxuu ku shaaciyay in Wasiir Odawaa Baarlamaanka hortiisa laga rabo.

Jawaari ayaa sheegay in maalinta  berito ah la doonaayo in uu  Barlamanaka  hor yimaado Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha  iyo Federaalka Soomaaliya  C/ rahmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” si uu kaga warbixiyo isla markaana   su’aallo looga waydiiyo dhismaha  labadda  Gudi  ee kala  ah Guddiga madaxa -banaan  doorashooyinka Qaranka  iyo  kan  xadduudaha iyo Federaalka.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Wasiir Odawaa su’aalo ay weydiin doonaan Xildhibaanada si loo ogaado guddiyadaan iyo shaqooyin qaran ay qaban doonaan.

Guddiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia, balse weli Baarlamaanka lama horgeyn.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada la xisaabtan ku aadan Wasaaradaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, iyadoo Guddiyada Baarlamaanka ay soo gudbiyaan hadba Wasaarada la doonaayo in lala xisaabtamo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku cel-celisay in sanadka 2016-ka oo waxyar ay ka dhiman yihiin dalka ay ka dhacayaan doorashooyin, hogaanka dalka lagu dooranaayo.