Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa dardar-gelinaysa Maamul U Samaynta Gobolada Mudug, Galgaduud iyo qayb ka mid ah Gobolka Hiiraan, sida ay horeyba ugu dhawaaqeen Madaxda Maamulka Ahlu Sunna.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Ku Simaha Gudoomiyaha Guddiga Golaha Fulinta Ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa sheegay inay dardar-gelinayan qorshaha ay Maamulka ugu dhisayaan Gobolada Dhexe.
Dhuusamareeb waxaa shalay looga dhawaaqay Guddiga Farsamada Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, kuwaa oo tiradoodu ay gaarayso 15 xubnood.
Xubnahaasi, ayaa waxay shaqadoodu tahay inay dhidhibada u taagaan Maamulka, ka shaqaynta Doorashada Madaxweynaha, Ku Xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ku Xigeenadiisa, samaynta Dastuurka, Calanka iyo iwm.
Waxaa jira warar soo baxaaya oo sheegaaya in 1-da bisha soo socoto ee Luulyo, ay Ergada Hotel Barwaaqo ku sugan dooran doonto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe. Xilli 4-ta bishaan lagu wado in Magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe.
Ahlu Sunna, ayaa wuxuu yoolkeedu yahay in Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ay marka hore ka qabsoomto Dhuusamareeb, marka xigtana ay u guur gasho soo xulista Xildhibaanada, Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.
Tani, ayaa waxay kuu muujinaysaa sida Ahlu Sunna ay kaga fog tahay Maamulka Magaalada Cadaado lagu askumaayo, iyadoo markii horeba aan qayb ka ahayn.