TACSI: General Muuse Xasan Cabdulle Oo Uga Tacsiyeeyey Shacabka Soomaaliyeed Geeridii Ku Timid Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Masalle.

0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Talyaaniga General Muuse Xasan Cabdulle ayaa uga tacsiyeeyey Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoysaskii uu ka geeriyooday Marxuum C.Qaadir Xaaji Masalle oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Danjire Muuse ayaa ku amaanay marxuumka halgankii dheeraa iyo dedaalkii uu ku bixiyey Dib u dhiska Qarannimada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxa uuna tilmaamay inuu ahaa muwaadin geesi ah oo mar kasta u taagnaa horumarinta haybbada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo Magaca Howlwadeennada Soomaaliyeed ee Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga waxaan jeclahay inaan halkaan tacsi uga diro dhammaan ehellada , qoysaska iyo dhammaan shacbiga soomaaliyeed ee uu ka geeriyo Cabdulqaadir Xaji Masalle oo runtii ahaa muwaadin shakhsiyad wanaagsan leh oo geesi ah, jeclaana mar kasta inuu u shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, waxaan alle uga baryayaa inuu jannada ka waraabiyo samir iyo iimaanna eebbe ka siiyo ehelladiisa” ayuu yiri Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo war qoraal ah kasoo saarey xafiiskiisa Magaalada Rome.

Cabdulqaadir Xaaji Masalle oo ahaa nin si weyn looga yaqaano geyiga Somaaliya ayaa xilal kala duwan horey uga soo qabtay Dowladihii dalka Soo maray iyadoo mudadii uu xilalka hayayna uu si wanaagsan oo niyad sami ah ula
macaamili jiray dadkii ay wada shaqeynta kala dhexeysay.