KULANKII FACEBOOK IYO FAA’IIDADII KA DHALATAY. Q 1aad

0

Bismillaaahi Raxmaanii Raxiim, marka koowaad wax aan u mahad celinayaa Allaha subxaanahuu watacaalaa ,suurto galiyay in uu qoraalkani qormo iyo in aad akhrisato akhriste.

Mahad Alle kadib sida aynu ka wada warqabno wakhtigan hadda la joogo dhammaan wax aynu nahay inta badan kuwo wakhtigooda iyo fursadahooda/firaaqadooda galiya ama ku lumiya baraha bulshadu ku wada xidhiidho noocyadiisa kala duwan sida;Ffacebook-ga oo noqday meel dadyawga dunidu wakhtigan ay isticmaalaan boqolkiiba shan iyo toddobaatan (75%) halka inaguna ( Soomaali) aynu boqolkiiba shan iyo sagaashan ku mashquulsannahay isticmaalka Facebook-ga.

HADDABA ISTICMAALKA FACEBOOK- GA WAX FAA’IIDO AH MA KA SOO NOQDAA ILAYN WAXA AAD GELISAY WAKHTI, WAXA AAD KU LUMISAY FURSADO/JAANISYO AAD KU CIBAADAYSAN LAHAYD,AAD WAX KU AKHRIYI LAHAYD AMA AAD KU NASAN LAHAYD .

Barta ay bulshadu ku wada xidhiidho wakhtigan ee Facebook waxa weeye meel dadku ku wada sheekaystaan, sidoo kalena ku cabbiraan dareenkooda isla markaana ay ku soo bandhigaan arrimo khuseeya bulshada ,sida in aad ka ogaan karto geeri ku dhacday qof aad garanaysay oo ay adkayd in aad maqasho ,sidoo kale aroos qof aad garanayso oo aanad awood u lehayn in aad ka qayb gasho oo aad halkaas ka gala qayb qaadan karto farxadda .

Intaas oo kaliya maaha haddana waa meel xumaanteeda leh, iyadoo la iskaga gudbiyo fariimo cay ah fariimo xumaan ah, sidoo kale muuqaallo xumaan ah xagga wada hadalkana hadalo macno badan aan samaynayn isla markaana hadaladaas waxa kamid ah ; ( iska warran , maansha Allaah , nice pic, alx ) .

Isticmaalka aaladdan Facebook- gu waxay ka qayb qaadatay burburinta iyo sidoo kale baabi’intii naxwihii Af-Soomaaliga .

Haddaba si aanu uga hortagno wax aanu samaynay barnaamijyo dadyawga wakhtigoodii ku luminaaya isticmaalka aaladda Facebook -ga iyag oon ka helayn wax faa’iido ah in aanu ku dhex qabanno doodo ku saabsan dhallinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa maadaama oo ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee wakhtigooda galiya isticmaalka aaladda Facebook- ga .

Waxay ahayd wajigii koowaad ee barnaamijkan Alle mahadi haka gaadhee waxa hirgalka barnaamijkan lahaa qofkasta oo ka qayb qaatay dooddan.

Waxay ahayd 11/06/2015, haben khamiis ah waxa ka dhacday dood aad u ballaadhan barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook- ga dooddaas oo daarnayd arrimo dhawr ah kuwaas oo hoos ku xusan:

1. DHAlLINYARADU DOOR INTEE LE’EG AYAY KA CIYAARAAN HORUMARKA BULSHADA WADDANKA?

2. WAA MAXAY CAQABADAHA HOR TAAGAN EE U DIIDAAYA DHALLINYARADU INAY KA QAYB QAATAAN HORUMARKA BULSHADA WADDANKA?

3. DHALLINTU HORUMAR MA SAMAYN KARAAN IYAGOON WAX TAAGEERO AH KA HELIN QAYBAHA BULSHADA SIDA DAWLADDA IYO WIXII LA HAL MAALA?

4. MA LA IS ODHAN KARAA FARQI WAYN AYAA U DHAXEEYA DHALLINYARADA WAKHTIGAN IYO DHALINTII HORE?

Kadib doodii way bilaabmatay wakhtigii la shaaciyay oo ku beegnayd abbaaro 8:00 habeenimo taariikhda kor ku xusan .

Dooddan oo ay ka qayb galeen aqoon yahaniin kala duwan, haldoorka bulshada, ardayda jaamacadaha, macallimiin, ardayda dugsiyada sare, bahda qalinleyda, bahda abwaanada iyo dhammaan qaybaha bulshada .

Dooddan waxa la socday oo halkii ay wax kale oo aan faa’iido lahayn ku lumin lahaayeen wakhtigooda galiyay dooddan (viewers) 547 qof halka ay sidoo kale lagaga qayb qaatay doodan 59 ra’yi.

Waxa aynu u kala saari doonnaa dooddan dhawr qaybood;

QAYBTA KOOWAAD DOORKA DHALLINYARADA

‘’Dhallinyaradu waa udub dhexadka, adhaxda, laf dhabarta, xoogga iyo cudduda maanta ummaduhu ku faanaan.

Da’yartu waxay bulshada dalkeeda ka ciyaari kartaa kaalin waxtar leh, taabo -gal noqon karta, dhallinyaradu waxay beddeli karaan hab nololeedka bulshada, hab fikirka ummadda, wada shaqaynta, wada noolanshaha shacbiga dal, dad iyo diin intaba wadaaga.

Dhallinyarada waxa ku jira aqoon yahanno sida dhaqaale yahanno, sharci yaqaanno, injineero, dhakhaatiir, kas -maallo, muruq -maallo, xog -maallo, karti -maallo, indheer garad, hiigsi abuure, hammi yagleele iyo umadda u hiilshe.

Dhallinyaradu waa khayraad dihin, qoofalan, dhaqaajin iyo ka shaqaysiin u baahan. Reer galbeedku waxay ku sheegan dhalinyarada odhaahdan “raw material”. ‘’ ‘’ Abdirahman Mohamed adam’’

‘’Dhallinyaradu doorwayn ayey ka ciyaari karaan horumarka bulshada.

Waxa ay samaysan karaan ururo ama kooxo ka shaqeeya arrimaha bulshada sida ,ururada aan dowliga ahayn iyagoo wax ka qabanaya baylahda iyo baahida bulshadu ay ku dhex nool yihiin. ‘’ Ahmed Abokor Maxamed’’

‘’doorka dhallinyarada ee bulshada anoo ka duulaya dhuuxa iyo dhitada lagu tilmaamo dhallinyarada waxaan leeyahay dhallinyaradu waxay ka ciyaari karaan door aad u muhiima taana waxaan ka dheehanaynaa labada erey ee ah dhuux iyo dhito.

DHUUX

Laftu haddaysan dhuux lahayn waan dareemi karnaa say noqonayso, hilibka haddii dhuux laga waayona kaba daran. Dhuuxa dal ama bulsho ku dhaqdhaqaaqdo waa dhallinyaro .

DHITO

Caanaha marka loogu talagalo in la lulo waa in habeenkii ama maalintii caano loo dhiteeyaa (dhigaal) si ay hadhow burcad dhal u noqdaan haddii aan taa la samayna way adkaanaysaa in la lulo .Haddaba dhallintuna waxay ka dhigantahay saas oo kale oo haddaaan la dhigan, la dhiqin ama la dhowran way adkaanaysaa in la intifaacsado iskaba daa inay dad hor-mariyaane.

Haddaba dhallinyaradu waxay ka ciyaartaa horumarka bulshada si taban oo muhiim ah waxaana tusaale u ah saxaabigii jaliilka ahaa Muscab binu Cumayr ee isagoo yar Nebigu NNKH u diray Madiina halkaas oo labadii qabiil ee Aws iyo Khasraj ay raacen diinta Islaamka iyo sidoo kale Malaala Yuusuf oo u dhalatay Pakistan oo ah qofka ugu yar ee ku guulaystay biladda Nobelka . ‘’ ‘’ Maxamed Cabdi Ciise’’

‘’Dhallinyaradu Waa awood dihin oo curdin ah ,waa maskax furan,quluub ka madhan aafooyin dad badani la daalaa dhacayaan ,lana il daran yihiin,sida qabyaalada iyo qudhumadda la hal maala.

Dawladaha tisqaaday dhallintooda waxa ay ku ababiyaan horumarka iyo hindisidda aragtiyo togan.

Doorka ay ka ciyaari karaan waa kaas mana jiri karo qaran hana-qaada ilaa la helo dhallin u heellan horumarka dadkooda iyo dalkooda. ‘’ Axmed Cali Abokor ‘’.

‘’Doorka ay dhallinyaradu ka ciyaari karaan waa in ay isku xidhaan dadka iyaga ka waawayn iyo dadka dhallinyarada ka yar yar, qabtana wixii ka baaqday dadka waawayn, tusaaleeyana dadka yar yar. ‘’ Qoraa Axmed Sky’’

‘’Dhallinyaradu waxay ka cayaari karaan door Muhiim ah horumarinta bulshada sababto ah waxay hayaan afar shay oo ay aanay haysan qaybaha kale ee bulshadu sida, xoogga, waqtiga, aqoon iyo maskax curdin ah.’’

‘’ Jimcale A/lahi Jama (Cawke)’’

‘’Dhallinyaradu waa rajada mustaqbal ee laga saadaalin karo sida uu noqon doono mustaqbalka wadanku. ‘’ ‘ Abdirahmaan Ali Mohamed’’

‘’Dhallinyaradu waxay ka ciyaari karaan dawr aad u wayn horumarka bulshada.Dhallinyaradu waa mastuqbalka markasta ay eeganayso bulshadu ama gabbaadkii ka celin lahaa bulshada caqabadaha hortaagan sida: horumar la’aanta ama aqoon darrida waddanka daashatay iwm. ‘’ ‘’ Abdulaahi Abdurazak Ali ‘’

‘’Dhallinyaradu waa laf dhabarta bulshada sidoo kale waa rajada barrito, waxay ka qaatan doorka ugu muhiimsan bulshada dhexdeeda sido kale dhallintu waa page cad waxa kaliyay u baahan yihiin in loo qabtaa waa in ay helaan qalin qoraal fiican si ay wax fiican u qoraan oa ay u qabtaan. ‘’ Mariem Mohamed Sh Abdulahi’’

Waa xoogga iyo fikirka wax beddela, Waana kuwa hor moodka ka ah horumar kasta oo uu waddan ama bulsho gaadho.’’

‘’ Abdirahman Mohamed Warmooge’’

‘’Dhallinyaradu waa dhuuxa ay ummadi ku faanto ummad walbana waxa wax ka beddela horumar na u horseedi kara waa dhalin yaro..

Markaa waxaan qabaa haddii dhallinyaro isku tashato dhexdana u xidhato inay horumar gaadhan waxay baddali karaan aduunkoo dhan maanta dunidan casriga ah waxa horumarka iyo badhaadhaha gaadhsiiyey waa dhalinyaro.’’

‘’Ahmed siciid( Sabriye)’’

La soco qaybta labaad iyo kulankii Facebook- ga iyo faa’iidadii ka dhalatay .
W/Q: Mohamed Aden Abdul Kareem
Telephone: +252 63 4445116
Maac446@gmail.com