Xog hoose oo ay heshay AGGM ayaa xaqiijinaya In shirka ay Ahlusunna soo qaban qaabisay ee ka socda Dhuusomareeb lagu dooranayo 1da Bisha soo socota Madaxweyne uu yeesho Maamulka G/dhexe Somaliya.
Shirka oo ay ka qayb galayaan Ergooyin badan ayaa waxa ay maanta doorteen Gudiga farsamada ee Shirka wadaya.
Xogta AGGM ayaa sheegaya in Marka kowaad Odayaasha ay dooranayaan Madaxweynaha kadibna lasoo xulayo Barlamaanka kuwaa ansixi doona Xukuumada uu madaxweynuhu soo dhisayo.
Arintaan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa ah qorshe ay ku doonayaan dhinacyada Dhuusomareeb ku Shirsan in ay uga hormaraan kuwa Cadaado ku shirsan oo 4ta Bisha soo Socota iyaguna dooranaya Madaxweynaha Galmudug.