Dorasho Gudoonka Parlamanka Shalay ee Cadado Iyo rajada Musharixiinta ee dorashada madaxweynaha GalMudug ee sabtida(LACAGEY DAD NOQO EE CODEY).

0

Galinkii hore ee Shalay Ayey ahayd Markii dorashada Gudoonka Parlamanka ay ka dhacday howlka shirarka ee cadaado waxaana dorashaas ay sameysay isbadal weyn ee dhanka hanka Musharixiinta madaxweynaha Mamulka. Xisbiga Alasheikh ee Ahmed Macalin Fiqi ayaa Guul lagu cawiyey ka garay Doorashadii

afhayeenka Parlamanka GalMudug halkaas Mudane Ali Gacal uu noqday afhayeenka parlamanka ee Mamulka. Gushan ayaa tagerayaaha

Fiqi waxay uga dhigantahay inay awood badan ku leyihiin tartanka siyasada ee soconaya, Walow ay dadka siyasada indhaindheya u arkaan in guushaas aysan ku imaan awood Alasheikh Kaliyah ee ay ahayd washamsi si wada jir ah loogu qaday Damjadid.

Warar aan heleyno ayaa shegaya in Guled Iyo xubno la tirsan wazirada ay xalay ilaa aroorti ku jireen xodxodasho dhanka xilibanada ah iyagoo afuriyey ilaa 45 xiliban kuwaas oo sidda ay dad xog ogaal ah noo xaqiijiyeen la siyey Lacag dhan $450,000, Balse nasiib daro aan lagu helin guushii la filayey.

Damjadid ayaa niyad jab balaran kala kulmay Doorashadii taas oo sababi karta In Guleed uu ka tanasulo musharaxnimada. Dhanka kale Ahmed Abdisalaan oo asagu aan urur diimeed ku dabneyn ayaa dhankisa waxay sineysa Fursad aad u balaran Guul darada Soo wajahday Damjadid Iyo Abdikarin,

waxaana laguso waramaya in uu bananka ka dawanayey Doorashadii Shalay Walow labada Gudoomiye kuxigeen ay yihiin kuwa aad ugu dhaw dhanka Ahmed Abdislaan. Ahmed Fafale oo ah siyaasi u dhundalola arimaha siyasada bariga africa ayaaa qaba in Doorashadii Shalay ay Cashar u ahayd Abdikarin Guled.

Rajada siyasadeed ee Abdiakrin waxay u muuqata inay sii dhimaneyso waxaana waliba shaki kujiraa in uu usoo gudbo warega labaad ee dorashada sababtuna waxaa waye Abdiakrin kalsoni Kama heysto bulshada dadka gobolada dhexe degana ma aqbalaan waxyabaha bahdilka ah sidda in Codka laga gato Lana dhaariyo ama la qasbo ayuu yiri isagoo la hadlaya bogan.

Sikastaba ha ahatee dorashadii Shalay waxay wax badan ka badashay fikirkii laga aminsanaa dadka gobolada dhexe waxaana muuqata in si dimoqaradiya ah ay isku doorteen, dorashada oo aan wali mid nooceda ah aysan ka dhicin bilowga mamulada Dalka ka jira.

Ahmed Faafaale