DHAGEYSO:- Golaha amaanka oo kordhinaya taageerada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

0

Golaha amaanka ee Qaramada ayaa ugu horeyn sheegay iney ka xun yihiin weerarkii Alshabaab ay ka geysteen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo saldhig ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

Askar badan oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa lagu dilay weerarkaasi, waxaana Alshabaab ay sheegeen in weerarka leego jawaab u ahaa aflagaadadii nabi Muhamed loogu geystay dalka faransiiska, dowladana Burundina ay hoos tagto dalkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay iney aad kaga xun yihiin weerarka iyo qasaaraha ka dhashay, waxayna tacsi u direen shacabka iyo dowlada Burundi iyo dowlada Soomaaliya, gaar ahaan qoysaska eheladooda ku geeriyoodeen weerarka.

Golaha amaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay kamid yihiin kooxaha qatarta ku ah nabad galyada caalamiga ayna la dagaalami doonaan, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxay golaha hoosta ka xariiqeen in baahida loo qabo in si mideynsan looga dagaalamo dhanka dhaqaalaha iyo ciidamada ururka Alshabaab waxayna ka dalbadeen wadamada caalamka iney cadaalada marsiiyaan dadka dambiyadaasi lagu helo.

Ugu dambeyn golaha amaanka ayaa sheegay iney amaanayaan howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya ayna kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada AMISOM.