Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay wadaan guluf xoogan oo ay ku doonayaan dib markale inay ugu qabsadaan Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii lagala wareegay Jimcihii.
Ciidanka Amisom ee ku sugan Deegaanka Balli-doogle, ayaa waxay cagta saareen wadada aadda Deegaanka Leego iyadoo Ciidanka Itoobiya ee Amisom ka tirsan ay iyana kaga soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Ciidanka Amisom ee ka soo dhaqaaqay Degmada Buurhakaba ayaa waxay xoogoodu ka yimaadeen Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo waxaana loogu yeeray inay ka qayb qaataan gulufka dib loogu qabanaayo Leego.
Cumar Dheere oo ka tirsan Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa sheegay saacadaha soo socdo in la maqli doono war wanaagsan oo la xiriira gacan ku haynta Deegaanka Leego.
Dadka ku haray Leego ayaa soo sheegaaya Shabaabku inay isaga baxeen Deegaankaasi isla-markaana aynaan jirin cid xilligan ka arrimisa. Dadkaasi waxay markale ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo haddii dhinacyada isku haaya ay dib ugu soo laabtaan.
Leego oo ka tiran Degmada Wanlaweyn, ayaa waxay muhiim u tahay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, si aynaan halis ugu imaan saadka Ciidanka Amisom ee Gobolka Baay.
Saadka iyo sahayda la geeyo Gobolka Baay oo laga soo qaado Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xadka Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay gaarsiiya Ciidamada Burundi iyo Uganda, halka Ciidanka Itoobiya ay iyana u galbiyaan qaybaha Amisom ka joogto Gobolkaasi Baay.