Magaalada Muqdisho ee caasimada somalia waxaa ka socda wada tashiyo ay leeyihiin masuliyiinta ugu saraysa Dowlada Somalia
Kulamadan ayaa waxaa lagu lafa guraya sidi isbadal logu sameyn lahaa golaha wasiirada Somalia ee hada xilka haya
Sida masul ka tirsan Madaxtooyada Somalia uu AGGM u xaqiijiyay arinto ma ahan isku shandheyn oo kaliyah balse waxaa jira ila 6 wasiir oo ayagu gabi ahaanba waayi doonaan xilalka ay ka hayeeen golaha wasiirada Somalia.
Wasiirada Xilalkooda waayi doona ayaa waxaa ka mid ah .
1.Wasirka Arimaha Dibada Somalia
2.Wasiirka Cadaalada Somalia
3.Wasiirka Caafimaadka Somalia
4.Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia
5.Wasiirka Warfaafinta Somalia
6.Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka
Masulitiinta xilalkooda waayi doona kuma koobna wasiirada ee Sido kale waxaa ayagana xilka waayi doona Wasiir kuxigeeno iyo Wasiru dowleyaal ka tirsan Dowlada Somalia.
Wasiirka Gaashandhiga Somalia oo asagu qayb ka ahaa masuliyinti lo abaabulay isku shandheyntaan in ay ku baxaan ayaa ka badbaadaya kadib cadaadis badan oo RW iyo Madaxweynaha uga yimid dhanka Maraykanka .
Xubnaha la saadaalinayo in ay golaha wasiirada iyo wasiir kuxigeenada ka so muqdan waxaa ka mid ah .
Farax Sh Cabdiqaadir
Cabdilahi Sanbaloshe
Cabdishakuur Cali Mire
Mustaf Sh cali dhuxulow
Maxamed Arte Rw kuxigeenka hada waxaa asaga logu daraya Wasiirka arimaha dibada Somalia iyo kuwa kale oo anu wali magacyadooda anu helin.
Iskushan dheyntaan iyo isbadala la socda ayaa waxaay noqonaysa midii ugu balarnayd ee la sameyo tan iyo intii u madaxweyne xasan sheikh u xilka qabtay waxanse cadeyn sida isbadalkan cusub ee la samaynayo u kalsooni uga heli doono Barlamanka Somalia .