DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo ku dhawaaqday Arrin farxad u ah..

0

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in ay ka qaaday bandowgii saarnaa qaar kamid ah magaalooyinka Waqoyi Bari Kenya iyo magaalo xeebeedyo kale.

Magaalooyinka Mandhere, Wajir, Lamu, Garissa iyo deegaano ka mid ah Tana River ayaa laga qaaday bandowgan iyadoo dowlada Kenya ay ku tilmaantay ka qaadista inay u yeeshay sababo la xiriira bisha Ramadan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in la qaaday bandowgan kadib markii uu dhowaan madaxweyne Kenyatta uu ka codsaday wasaarada arrimaha gudaha ay dib u eegis ku sameyso bandowga bisha Ramadan.

Dowlada Kenya ayaa kala kulantay cadaadis xoog leh shacabka, ganacsatada, hogaamiyaasha diinta iyo siyaasiyiinba bandowga ay ku soo rogtay qaar kamid ah gobolada Waqoyi Bari. Qaadista bandowgan ayaa ku soo beegmaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Kenya uu ku dhowaaqay in laga qaaday xayiraada shirkadaha xawaaladaha Soomalida ee ka howgala dalka Kenya.

Bandowgan ayaa lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Waqoyi Bari Kenya kadib markii xubno ka mid ah ururka Alshabaab ay gudaha u galeen Jaamacad ku taal Garisa halkaa oo ay ku dileen in ku dhow 150 ruux oo ka mid ahaa ardaydii iyo shaqaalihii Jaamacadaas.