Gudoomiye Ku Xigeenkii Leego Xasan Madayle Oo La Gawracay & Nin Turjubaan Ahaa

0

Kismaayo(AGGM) Warar ka soo baxay Falaagada Alshabaab ayaa shaacinaya inay Alshabaab Gawraceen Gudoomiye ku xigeenkii Degaanka Leego,waxaana la sheegayaa in Gudoomiye Ku Xigeenka oo lagu Magacaabi Jirey Xasan Madayle ay Falaagada Alshabaab Gawraceen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Alshabaab ay Gawraceen nin Turjubaan u ahaa Ciidamada Burundi oo isagu degaana Daarta Barakaat,waxaana la sheegay inay ninkaasi ka soo wateen Daarta Barakaat,waxaana sidoo kale la xaqiijiyey inay dadka kale halkaasi ka sii wateen.

Labada Ruux oo ay Gawraceen Falaagada Alshabaab ayaa sheegayaa inay dileen ka dib markii ay Su,aalo badan waydiyeen isla markaasna,waxaa la sheegay inay ku tilmaameen inay yihiin gaalo raac.

Falaagada Alshabaab ee shalay weerarka ku qaaday Xarunta Ciidamada Burundi ayaa la sheegay inay halkaasi ku dileen in ka badan 70 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi,waxaana sidoo kale ay halkaasi ka qaateen agab tiro badan oo isugu jira hub iyo saad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com