Xoogaga Al Shabaab, ayaa xalay waxay weerar saf ballaaran leh ay ku qaadeen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dhoobley waxaa fariisimo ku leh Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya, ee Amisom ka tirsan.
Xoogaga Shabaab, ayaa laba jiho ka soo weeraray Degmada Dhoobley, iyagoona go’doomiyay Wadooyinka laga galo Degmadaasi, si ay kaga hortaggaan in loo soo gurmado Ciidamada Huwanta.
Dagaal qaraar, ayaa iminka ka soconaaya gudaha Degmada Dhoobley, waxay Shabaabku ka soo gudbeen daafacyada hore ee Ciidamada Kenya iyo Jubbaland. Weerarkan wuxuu u muuqdaa mid laga soo shaqeeyay.
Dadka Deegaanka oo qaarkood bilaabay inay guryaha isaga cararaan, ayaa waxay soo sheegayan in hubka waaweyn leesku adeegsanaayo dagaalka culus, ee xilligaan ka soconaaya Degmadaasi.
Ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Degmada Dhoobley, ayaa waxay ridayan hubka ridada dheer ee BM-ka, iyadoo jugtiisa si weyn looga maqlaayo Dhoobley iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.
Weerarkan, ayaa imanaya Shabaabka oo saakay weerar qaraar kula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Halkaasoo ay ku dileen in ka badan 70 ka mid ah Ciidanka Burundi ee Amisom ka tirsan.
Ururka Al Shabaab, ayaa tan iyo markii bisha Ramadan ay curatay, waxay bilaabeen inay qaadaan weeraro waaweyn, oo ay la beegsanayaan dhinacyada ka soo horjeedo.