Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Alshabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ka geysteen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay gelinkii dambe ee shalay xafiiska QM ee New York ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin qasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ay ka geysteen deegaanka Leego.
Ban Ki Moon xoghayaha guud ee QM ayaa ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa iney si xoogan u cambaareynayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Leego, oo ciidamo ka tirsan dowlada Burundi ay ku dhinteen.
“Xogahaya wuxuu tacsi u dirayaa ciidamada Burundi kuwaasi oo naftooda ku waayay caawinta sidii nabad loo gaarsiin lahaa Soomaaliya, waxaana tacsi uu u dirayaa shacabka iyo dowlada Burundi”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.
QM ayaa warbixinta kasoo baxday waxaa lagu sheegay iney sii kordhin doonaan taageerada ay siinayaan dowlada iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha guud ee QM Nicholas Kay ayaa dhankiisa cambaareeyay qasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ay ka geysteen deegaanka Leego, wuxuuna sheegay in taageeradooda aysan marnaba joojin doonin.