Top News:12 diyaaradood oo qaad ka keenay Kenya oo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde iyo Muqdisho oo xalay..

0

12 diyaaradood oo qaad ka keenay dalka Kenya, ayaa waxaa Jimcihii lagu xanibay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan xalay wax qaad ihi laga cunin Caasimadda.

Axmed Macalin Maxamed oo ka mid ah ganacsatada qaadka keenta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay arrin foolxun inay Jimcihii ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, markii la diiday in laga soo saaro qaadka.

Ganacsadaha, ayaa arrintaasi wuxuu dusha kaga saaray mid uu masuul ka yahay Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir, oo sida uu sheegay uu isagu amray inaanan qaadka laga soo saarin Garoonka.

Wuxuu sheegay ganacsatada iyo Xeer Ilaaliyaha inay isku waafaqeen, wixii hadda ka dambeeya in Xukuumaddu ay canshuurto qaadka, ha yeeshee aanu garanayn waxa sababay in Xeer Ilaaliyuhu amro, in qaadka lagu haayo Garoonka.

Tani, ayaa waxay ka soo aadaysaa, khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, C/laahi Maxamed Nuur, ka dib markii ay isku qab qabteen cidii qaadi laheyd canshuuraha qaadka.

Canshuuraha, ayaa waxaa kolkii hore qaadi jirtay Shirkadda AD, oo Madax uu ka yahay Xildhibaan Axmed Ducaale Xeef, kana mid ah Baarlamaanka Somaliya. Khilaafka labada masuul, ayaa yimid markii warqaddii rusqadda ay ka dhacday Shirkadda AD, oo muddo laba sano ihi qaadeysay canshuuradaha qaadka.

Khilaafka, ayaa sii xoogeystay markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda uu muddo saddex bilood u cusbooneysiiyay Shirkadda AD, rusqaddii shaqada, iyadoona uu si weyn kaga horyimid Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa amray in hadda ka dib ay lacagaha si toos ah ugu soo dhacaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana taasi ku gacan-seyray Wasiiru Dowlaha, oo isagu taageeray qorshaha ah in isbuuciiba ay mar Shirkadda AD soo gudbiso canshuur-gelinta ay ku samayso qaadka ka soo degga Garoonka Aadan Cadde.