Xuska maalinta 26-Juun oo Xalay lagu qabtay Muqdisho

0

Munaasabadaaan Xalay lagu qabtay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar isla markaana lagu xusaayay 55-Sano guuradii ka soo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay qaateen Xurnimada isla markaana Calan ay leeedahay Soomaaliya laga taago Gayiga Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Ra’isal Wasaaraha Dalka,Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada iyo Marti Sharaf kale.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan midnimada iyo hormarka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Xuska 26 Juun.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay Shacabka ku nool gobolada Waqooyi isla markaaana ka dalbaday iney ka shaqeeyaan Midnimada Umda Soomaaliyeed.

Abaara Saacad u markey ahayd 12-kii ama Lixsaac ayaa Madaxdii iyo ka qeybgalayaashii waxay usoo baxeen Banaanka hore ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar isla markaana si qiiro leh ugu qeyb qaatay Saarida Calanka Soomaaliya. Waxana Jawiga uu noqday Sida.

26-Juun ayaa ah Maalintii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeysiga isla markaana Calan ay leedahay Soomaaliya laga taago gayiga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Gobolada Dalka ayaa Maanta lagu wadaa in laga Xuso 26-Juun.

Sidoo kale waxa Fooda nagu soo heyso 1-Luulyo oo ah Maalintii Xurnimada ay qaateen Gobolada Koonfureed iyo israacii labadal Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.