Gudoomiyaha Deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isxaaq (Al Cadaala), ayaa xaqiijiyay dagaal faraha looga gubtay inay Ururka Al Shabaab ku soo qaadeen Deegaankaasi, aroornimadii hore ee saakay.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay dagaalka inuu saamayn ku yeeshay deegaanka oo idil, isla-markaana uu xilligaan soconaayo dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Ururka Al Shabaab.
Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay dagaalku inuu bilowday 4-tii aroornimado, inkastoo dadka Deegaanka ay sheegeen in uu bilowday Salaaddii Subax ka dib.
Xoogaga Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa weeraray Xerada Ciidamada Amisom ee Leego, wuxuuna weerarku ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo lagu dhuftay ilinka hore ee Xerada laga galo.
Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Xoogaga Al Shabaab ay xoog ku galeen Xerada Amisom, ayna kala wareegeen gacan ku haynta Xerada, inkastoo Gudoomiyaha Leego aanu kala cadayn qabsashada Xeradaasi.
Bulshada oo qaarkood hurdaba looga kiciyay rasaas xoogan, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo qaarkood isaga cararaaya guryahooda. Dadku ma garanayaan halka ay u cararayaan.
Shacabka reer Leego, ayaa weerarkii saakay waxay ku sheegeen mid leesku adeegsaday hub aynaan muddooyinkaanba maqal, isla-markaana uu u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay.
Ururka Al Shabaab, ayaa tan iyo markii bisha Ramadan ay curatay, waxay bilaabeen inay qaadaan weeraro waaweyn, oo ay la beegsanayaan dhinacyada ka soo horjeedo