TOP NEWS CADAADO:- Musharaxiinta Madaxweynaha oo bilaabay inay gaar gaar u kulmaan “Maxay ka hadlayaan”

0

Iyadoo Ololaha la xiriira Dooroshooyinka Maamul u sameynta Galmudug ay marayaan meel xasaasi ah ayaa misana waxaa muuqanaya in Musharaxiinta u looltamaya Xilka Madaxtinimada Maamulkaasi ay muujinayaan isu soo dhawaansho dhinaca Fekerka ah, waxaana arrintaasi tusaale u ah kadib markii Habeenkii Xalay ahaa Musharaxa Madaxweynenimo ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdisalaan uu gurigiisa ku booqday musharaxa kale Mohamed Elmi Afrah.

Axmed Cabdisalaan ayaa kala hadlay Maxamed Cilmi Afrax sidii loo madeyn la ahaa afkaaraha kala duwan ee Musharaxiinta u taagan hanashada Maamulka Cusub ee lagu wado in loo sameeyo Galmudug, waxaana arimaha xusida mudan ay labada Musharax isla soo qaadeen ka mid ah sidii Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca looga qeyb gelin la haa Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Qorshahan ku wajahan in Ahlu Sunna ay qeyb ka noqoto Shirka Gobolada Dhexe ayaa hadii musharaxiinta ay si dhab ah isugu racaan waxey awood u yeelan karaan in Dowladda Dhexe ay cadaadis ku saaraan in ay guntanto qaabkii ay Ahlu Sunna ku qancin la heyd taasi oo keeni karta in Ahlu Sunna ay ka qeyb qaadato Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Hindisaha ku aadan in Ahlu Sunna laga qeyb geliyo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee uu wado Musharaxa Madaxtinimo ee Axmed Cabdisalaan iyo Mas’uuliyiinta la eymiga ah ayaa ah talaabo soo dhaweyn mudan maadaama Ahlu Sunna ay ka mid tahay tiriirka ugu muhiimsan ee aan looga maarmin Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.