Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum C/qaadir iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.
“ Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, maanta ummadda Soomaaliya waxaa ka tegay mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo raggii waqtigooda ku bixiyya dhismaha qaranimada Soomaaliya, quluubteennu waxa ay la jiraan isaga iyo qoyskiisa. Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum C/risaaq Xaaji Maxamed Masalle” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey “ C/risaaq Xaaji waxa uu ahaa shaqsi waddani ah oo waqtigiisa u huray qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii dalkan uga faaiideeyey wixii ay barteen , waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha.