Top News:Madaxweyne Gaas oo ka hadlay arrin dhabar jab ku ah Somaliland, hambalyo 26 june!+Sawirro

0

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan , islamar ahaantaana ah maalmo taariikhi ah.

 

‘’ Waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka kajira .

 

‘’ Waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna uwada socda in aynu hanano dawladnimadeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sidookale si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.

 

-DHAMMAAD-

 

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

g gg ggg